Heesta Makaay - Lyrics
Makaay Makaay oorideediyeee
Madhaafaankii dumarkee
miirkaygu raacaay
Mid iraaali galisoo
Ku muqsuuday baa tahoo
Miskigii aduunkiyo
Mulaacdii xalaashee
Qurux lagu maneesityo
Malabkii shinida
Sida miro janaad
Miskigii aduunkiyo
Mulaacdii xalaashee
Maasha Alaahuye
maanka iyo qalbigaad
Umacaan tahee
Makaay makaay
ooradiidiyee
Miisaanka dhaqankiyo
Maamuuska gobanimo
Waa midaad udhalatoo
Rabbi kugu maneestee
Muuqaalka joogiyo
Midibkaaga goortay
milicsadaan indhahu
Muxibo iyo galgacal baa
Igu maax dumaayee
Makaay makaay