Heesta Midaan ku aflaxay - Lyrics
sidii uur jiif yaroo
aan wali dibada imanoo
ubucda hooyadi ku jira
adaan ogsajiinta iyo
anfaaciga kaa helaa
arwaaxda naftayda iyo
taada gacalooy isku xidhan
sucaad ooridaydiyeey
indhaha adigaa u roon
adaa sambabada dagoo
oofada beerkiyo wadnaha
adaan aqal kaaga dhigay
asal barashadeediyo
aroos iyo la aqal galkeed
midii aan ku aflaxaay
ilayskii noloshaa tahoo
aduunka intaa aan jiro
allaylahe aragsaneey
walee abid kaama tago
sucaad ooridaydiyeey
indhaha adigaa u roon
adaa sambabada dagoo
oofaha beerkiyo wadnaha
adaan aqal kaaga ddhigay