Heesta Nabadeey Macaaney - Lyrics
Nabadeey Macaaney
Neecaaw udgooneey
Naqa & Barwaaqada
Nimco lagu qaboobaay
Inta Naas irmaanoo
Laga Jaqo nafaqadaay
Naxariista EEBAAY
Niyaddana u rooneey
Naftaydaa ku jeceloo
Rajo aan nusqaamayn
kugu naawilaysee
Nageeyaay Baryada ILAHAY iyo
Kama nooga ducadee
Dalka noogu soo noqo.
Nabadeey Macaaneey
Farxad & Naruuraay
Ninna kaama maarmo
La'aantaa ma naaxoo,
Nuxur malaha gobonnimo,
Haddaad naxashka fuushee
Niyadda ku naadshee
Nacas kuma tixgeliyee
Cakuye kan kaa naxa
Naxli & dhibaatiyo
Kala wacan Naxteexee
Nageeyaay baryada ILAHAY iyo
Kama noogo ducadee
Dalka noogu soo noqo.
Nabadeey macaaneey
Nacabkii colaaddaay
Dawo nabar bogsiiso
Nooluhu qaddariyaay
Nuurkii indhaha iyo
Nalka halista muujaay
Nasri EEBE keenaay
Nacaybkana fogeeyaay
Qalbi kuu nuglaa iyo
Indho naabi fuushaa
Nacfi kaa sugaayee
Nageeyaay Baryada ILAHAY iyo,
Kama noogo ducadee,
Dalka noogu soo noqo.
Lyrics by Pro Dalmar Hersi Dige