nuurkii aduunkaay
naxariista waagaay
nimco iyo barwaaqaay
naruuradiyo khayrkaay
naxariista waagaay
nafta la i wadaagaay
tii la igu nabee
nudayada wadnaha iyo
qalbigayga nugulka ah
nabarada u yeeshaay
caashaqa nakhtiintaay
walee anigu kuma naco
najmaay anigu kuma naco

nafta ku nuglaydbaa
ku naanaadinaysoo
wali aad u nuurkaa
nabi yuusuf quruxdii
tii lagu nisbeeyaay
nafta ila wadaagay
tii la igu nabayee
nuduyada wadnahay
iyo qalbigayga nugulka
nabarada u yeeshaay
caashaqa naqtiintaay
walee anigu kuma naco
najmaay anigu kuma naco

Exit mobile version