VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qabuuraha - Lyrics

kala qaxa qareen laay had iyo jeer is qontaay qaldaneey dareen laay qawl is wada qaniintaay jidka qaran u dumaneey qilaaf lagama waayaay waligeed ma qanacdaay hadaad kala qab wayntood qabyaaladina wacan tahay bal qoyskiinii soo hadhaa ha xukumo qubuuraha qisaas qudh gooyaay qiiro iyo qamuunyooy bulsho kala qaqobaneey danta qiil u waydaay qorshihii marqaankee qaadiradu lummisaay gabigeed qalibaneey hadaad kala qab wayntoo qabyaaladina wacan tahay bal qoyskiinii soo hadha ha xukumo qubuuraha qaloociyo dhib badaneey nabad kuma qaboobaay tii kala qalootee qaarba meel ku oodmaay qar qar iyo xanuuniyo qaska tii ku madhataay umad wada qafiiftaay hadaad kala qab wayntoo qabyaaladina wacan tahay bal qoyskiinii soo hadha ha xukumo qubuuraha
Queue is empty
-- / --