Heesta Qalin - Lyrics
Waxaan jawi wax barasha leh
wada joognay waayahan
waxaan jeeso iyo qalin
jahli ciribtirkii wadayX2
Inkastoon lajaar ahay
inta jalaqsan dumarkaba
ma anigaa maleyn jiray
dawooy inaad i jeceshahayX2
Maa tiraahdid waan jabay
jaceyl adiga awgaa
maa tiraahdid jeer hore
adaan kuu jidbeysnahyX2
Waxaan subax jarmaadaba
jaqafsiga ku imaan jiray
waxaan jaanta soo dhigay
meelaad joogto galabtiiX2
Inkastoon jaleecada
tumey jaadka aa tahya
ma anaa jeelka kugu dhacay
jirkaaga uun ka garan karaX2
Maa tiraahdid waan jabay
jaceyl adiga awgaa
maa tiraahdid jeer hore
adaan kuu jidbeysnahayX2
Jamashada kalgacalka leh
jeedaala eegmada
waxaan soorta kaa jaray
jamad adiga kaa helayX2
Kol hadaadan juuq iyo
jawaab aniga iga helin
adigaa jidbeysane
maad cadeysid jamashadaX2
Maa tiraahdid waan jabay
jaceyl adiga awgaa
maa tiraahdid jeer hore
adaan kuu jidbeysnahayX2
Lyrics by abdi deeq