Heesta Qareenlaay - Lyrics
Kala qaxa qareenlaay
hadiyo jeer is qoontaay
qaldaneey dareenlaay
kol is wada qaniintaay
Jirka qaran u dumaneey
qilaaf lagama waayaay
Waligeed ma qanacdaay
Hadaad kala qabweeyntoo
qabyaaladina wacantahey
Bal qooyskiinii soo hadhaa
ha xukumo qabuuraha
Qisaas iyo qudhgooyiyo
qiiro iyo qamuunyaay
bulsho kala qoqobaneey
danta qiil u waydaay
Qorshehii marqaankee
qaadiradu lumisaay
Gabigeed qalibaneey
Hadaad kala qabwayntoo
qabyaaladina wacantahey
Bal qooyskiinii soo hadha
ha xukumo qabuuraha
Qalooc iyo dhib badaneey
nabad kuma qaboobaay
tii kala qalootee
qaar ba meel ku oodmaay
qarqar iyo xanuuneey
qaska tii ku madhataay
ummad wada qafiiftay
Hadaad kala qabwayntoo
qabyaaladina wacantahay
Bal qooyskiinii soo hadhaa
ha xukumo qabuuraha.