Saxan saxa ku qaadiyo
qadow laama doogloo
qiyaas roob u helay iyo
qalaw iyo war dheeriyoX2

Qal qalooc ka baxay iyo
ubax qarba nooc yahy
adaa qurux wax sii dheer
qaaya dumarna igu filanX2

hayeeshee qarfahan jaan
qurbo leysku guursado
kugu qabaty, kugu qabty,
kugu qabatay mooyee
maaha midaad u qalanteeX2

Qorax qeybi hoyaatiyo
wabigii qalaafiyo
sida buur qadnoodiyo
midab qaansa roobaad

muuqiyo ilqabashada
qurux waad ka sidataa
qiimaha dadnimadana
midi qaadataa tahyX2

Hayeeshee qarfahaan jaan
Qurbo leysku guursado
kugu qabaty, kugu qabaty.
kugu qabaty mooyee
maaha midaad u qalanteeX2

waa qaali sharaftuye
qardho iyo hargeesiyo
xamar qaararkiisaan
qalcad kaaga dhisi lahaaX2

baledweyn qarkiisaan
aroos kuugu qaban lahaa
wabiyada qul qulayaa
aan ku daawad siin lahaaX2

Hayeeshee qarfahaan jaan
Qurbo leysku guursado
kugu qabaty, kugu qabaty.
kugu qabaty mooyee
maaha midaad u qalanteeX2

Lyrics by Abdi deeq

Exit mobile version