Heesta Raaliya - Lyrics
Rag iyo dumaroow ogoow
riyada reer kuma dhismee
run-buu ku nagaanayaa
Rafiiqi buu doonayaa
hadaan la is raali galin
Barwaaqo raarantoo
cishqiqu wuu ragaadayaa
jacaylkuna wuu ribaday
Ra'yigoo la is dhaafsadaa
rasmiga lagu gaadhayaa
Markaasaa raaliya ninkuu
calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa
Markay tolo raaran tahey
rabbaa lala kaashadaa
dantoo la iska raaridaa
Samaha lagu raadiyaa
rug iyo guri lagu dhisaa
Raxmaad soo da aa
ramaadku soo baxaa
rucubta laga soo gurtaa
Rayrayn lagu waarayaa
raaxo da loo wada jiraa
Markaasaa raaliya ninkuu
calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa