rag iyo dumaroow ogoow
riyada reer kuma dhismee
run buu ku nagaanaya
rafiiq buu doonayaa
hadaan la is raali galin
barwaaqaa raarantoo
cishqugu wuu ragaadayaa
jacaylkuna wuu ribaday
ra,yigoo la is dhaafsadaa
rasmiga lagu gaadhayaa
markaasaa raaliyo iyo
nin kuu calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa

markay talo raarantay
rabaa lala kaashadaa
dantoo la iska raaridaa
samaha lagu raadiyaa
rug iyo guri lagu dhisaa
raxmaadku kusoo da,aa
ramasku kusoo baxaa
rucubta laga soo gurtaa
rayn rayn lagu waarayaa
raaxada loo wada jiraa
markaasaa raaliyo iyo
ninkuu calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa

Exit mobile version