VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ruun - Lyrics

Laf dhabarta adhaxda iyo
unugyada dhiigee jiidhka
laxaadka intiisa kale
adimadii celinayaay

Jacalykii waayo arag
astaantii lagu xusaay
ubucda beerka iyo wadnaha
adaaa masalaha dhigtoo
kaligaa kugu aaminee
cid kale looma ogolaa

Repeat

Afadii dhibta ila martee
samikra ila qaybsataay
amaanada dhawrtaa eey
balanta ila oofisaay
abaalkaad iga mudnay
waligay ma iloobayoo
qalbigaad ku abuurantee
ogow ruuney ogow
adaan ifka kuu jeclahay.

Repeat

Aroortii cir onkaday iyo
udgoonkii gufaacadaay
xareedii i oon tirtiyo
raxmadaan ku il doogsadaay
asaaskii udub dhigiyo
aqalka tiir isu hayaay
siday u wiilshu ilmaheeda
eegmada ugu laxawsataa
uurkuu nugul seexatoo
cid kale looma ogolaa

Ijabadaan ka aflaxaay
ilayska nuur daalacshaay
xubnaha jidhka unugiyo
ruxaad ku aroortayoo
iridka sababada degtoo
cid kale looma ogolaa

Afadii dhibta ila martee
samikra ila qaybsataay
amaanada dhawrtaa eey
balanta ila oofisaay
abaalkaad iga mudnayd
waligay ma iloobayoo
qalbigaad ku abuurantee
ogow rakasey ogow
adaan ifka kuu jeclahay.

Repeat

Queue is empty
-- / --