Heesta Sida ulaha - Lyrics
Aaynigeed hablaha kacay
Inantaan ka doortaay
Afar iyotobnaad iyo
Dayaxiyo Ilaysaay
Ubax doog ka baxay iyo
Ramasiya ugbaadaay
Roob aroorya da'ay iyo
Ufaadiyo mayaaygaay
Sida ulaha dhabiga isla egeey
Ixtiraamka hooyadeed uga egeey
Af gobaadsi arerteeydu ma ahine
Waa adiga oorida
nafteeyda anfici laheeyd
Tinta araxda gaadiyoo
Aayar socodka laafiyaha
War ma geenya ugubaa
U ekaa baxaaliga
Abwaanadi inteey dumar
Horay ugu amaaneen
Hadeey ku arkayaan weey
Istaqfuran lahaayeen
Ubax doog ka baxay iyo
Ramasiya ugbaadaay
Roob aroorya da'ay iyo
Ufaadiyo mayaaygaay2
Abwaanadi inteey dumar
Horay ugu amaaneen
Hadeey ku arkayaan weey
Istaqfuran lahaayeen
Sida ulaha dhabiga isla egeey
Ixtiraamka hooyadeed uga egeey
Af gobaadsi arerteeydu maahinee
Waa adiga oorida
nafteeyda anfici laheeyd