Baxnaanada daryeelkiyo
ileyn baradu waa dumar
iladoon maqnen baan
marwooy beerka laabtiyo
kaa tabay bogeygeeX2

boholyowgi igu baday
anigoo bad qaba iyo
adoo buur kalgacal wada
ku soo noqo bartaadii
basan baasay awgaaX2

baraaraha dalxiiskiyo
ileyn bilicdu waa shiikh
beeraha wajaaliyo
berbera iyo hargeysiyo
soo baro dalkeeniiX2

burca waa dhul bilicloo
boqorkow ugu deeqee
soo booqa maalmo
ku so noqo bartaadii
basan baasay awgaaX2

Lyrics by Abdi Deeq

Exit mobile version