VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Soo heeti - Lyrics

Hoodiyo ayaanley habeen dhalad nasiibley haanshana gobaadley sadex qeyd hanaanliyo boqor lagu hagoogiyo dhacle lagu habeeyiyo adigoo hidiihii qaba soo heeti hodaneey adigoon haraad qabin soo heeti hodaneey Hibaaqiyo udgooney sida hogol hanaan qurux hobaanta midab u leh adoo heensa qaadkiyo hubinaaya socodkoo hadafaaya gobonimo adigoo hidiihii qaba soo heeti hodaneey adigoon haraad qabin soo heeti hodaneey Haybadaada sharafta leh habeenkaaga kheyrka leh dharaartaada hibada leh quruxdaada hodanka ah qiimahaaga hubanka ah timihaaga hadhaca ah adigoo hidiihii qaba soo heeti hodaneey adigoon haraad qabin soo heeti hodaneey
Queue is empty
-- / --