Heesta Suleeqa - Lyrics
habka soo dhawayntiyo
sariigtyo xishoodkiyo
salantiyo xishoodkaa
sad i deeqa noqote
sanqaroor kuu yaaliyo
surka iyo cabaadhyaha
suuradeeda inantaan
abwaan kuma kuma sifayn karo
suugaan la tiriyee
ma saluugladii beri
saban hore la sheega
mise waa suleeqiyo
cid cadceeda subixiyo
saaka aniga ii timid
dhaqankiyo sasaankiyo
socodkiyo talaabada
sarajoogu way idilay
dharakiyo sinaantee
markaan saami eegmada
aan ku sugo tin iyo ciddhib
ama saaro dhaayaha
laygu sidig yartaniyoo
hawl yari ma seexdee
ma saluugladii beri
saban hore la sheegaa
mise waa suleekhiyo
mid cadceeda subaxoo
saaka aniga ii timid
tima sinaha gaadhiyo
hadba dhinac u saydhmiyo
suniyaha indhaha iyo
dhabanada siraataa
quruxaan sal guurayn
saami looga dhigaybaan
nafta sudhay hogaanoo
qalpi aan sabraynbaa
iila siqi dhankeedee
ma saluugladii beri
saban hore la sheega
mise waa suleekhiyo
mid cadceda subax oo
saaka aniga ii timid