VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Tufaax - Lyrics

Sida meel tigaadloo Dhirtu taan baxeeysoo Xareedii baliga tiil Onkodkiina galab da'ay Sida loogu toosee Loo tiigsadaa Anigana tufaaxii Iyo timirta caashaqaan Soo taabo leeyahay Fili meyn tabaaladan Tahli waga igu dhacay Fili-meyn talaabadan Sidaad iigu tacadiday Warankaad ku taagtiyoo Tiiraanyadaadii Halka ay la taal Ku tusaye nafteydii Hadii aad wax tari lahayd Ama aad ka tagi lahayd Adigeey adigeey Adeey talo ku joogtaa Sida sheekh turxaanli'i Towxiidkiyo salaadii Towbadii Ilaaheey Wajigiisa ugu tagay Sida loogu toosee Looga wada tuf qaataa Anna tamaaradeydii Waa kaley nasiiboo Farxad kuula taagnahay Fili-meyn tabaaladan Tahliwaaga igu dhacay Fili meyn talaabadan Sidaad iigu tacadiday Warankaad ku taagtiyo Tiiraanyadaadii Halka ay la taal Ku tusaye nafteydii Hadii aad wax tari lahayd Ama aad ka tagi lahayd Adigeey adigeey Adeey talo ku joogtaa
Queue is empty
-- / --