xawaaleyda dumarkaa
xulkoodii ayaa tahy
xinsuryeenta ehelkiyo
xanaanadi nafteydiyoX2

xeer dhaqanka gurigiyo
xag kastaba ideeqdee
xamdi adiga mooyee
uma baahni xila kale
uma baahni xila kaleX2

xarun lagu negaadiyo
xera nabad galyaa tahyX2
waalidkaad xushmeysaa [xurmeysaa]
dariskaad xaq dhowrtaa
xamdi qaali baa tahyX2

xigaal aad u sharaf badan
karaamee xigtaduu
diintana xafiday baad
xamdiyeey ka dhalateeX2

xumaan kuuma quuroo
xididada halbowlaha
xirriyaha wadnaha iyo
beerkaad ku xiran tahay
beerkaad ku xiran tahayX2

xarun lagu negaadiyo
xera nabad galyaa tahyX2
waalidkaad xushmeysaa [xurmeysaa]
dariskaad xaq dhowrtaa
xamdi qaali baa tahyX2

Lyrics by Abdi deeq

Exit mobile version