Heesta Xamdi - Lyrics
Intaaan dumar ka xiisiyo
xaragaadaan ku raacoo
Xulanaayayay qeyrkeeyX2
Xamdiyeey ma aan arak
midaan kugu xiriirshoo adaan
Xuural ceeyay qalbi xanafta
Laga tiray xariir kuugu daahee
Xornimo iigu noolowX2
Hadaan xiro barwaaqaa
ku xasiliyay caashaqa
xididadu waraabkiyo
xinjirahana kala goyn
show jaceyl xalkiisiyu
xudun tiisi Maad noqonX2
Xikmad weeye guurkuye
hadaan guri xaaliyo
xubbi kugula nolahayX2
Maankiyo xiskeyguna
xanaanadada mooyee
u xoog heyn xusuus kale
xubno dabacsan leeyeey
Xisaabli I amaantaa
xaqbaad Iigu leedahayX2
Hadaan xiro barwaaqaa
ku xasiliyay caashaqa
Xididadu waraabkiyo
xinjirahana kala goyn
show jaceyl xalkiisiyo
Xuduntiisi maad noqonX2
Lyrics by Abdi deeq