Heesta Abaayo iyo aboowe - Lyrics
Kalgacaylka geskaga
Abaayo marna yuun
Ku gees marinay
Abaayo giijiyoo ha
Sii daynin abaayo
X2
Kalgacaylku gumowye
Aboowe igu noqoy ma
Guuraane aboowe
Gal gashoo hurdada
Nacayee aboowe x2
Gara nuug sideediiyee
Aboowe gooni socoto
Mooyaane aboowe
Ma salaamo gacalkay
Gee aboowe x2
Galabta cawa farxadiyo
Damaashaadka guri gal
Keeni weeyaane x2
Mar hadaynu galabtaba
Goobayne sheekada
Caawa aan gam aayaye
X2
Gu'waliba caano iyo wiil
Guulahaan ka barinaye
Sidaa garo gacalada
Guurkeenu waa sharaf
Guuurkaagu waa sharaf
Guri barwaaqiyo gabaad
Guulaheen hanagu simo
X2
Gacmahaagu waa dahabay
Abaayo godigan fargashiga
Ahay abaayo iga gudoon
Ooridaydaay abaayo x2
Guuxa isla gabax yiriyay
Aboowe hiil anaa garka
U dhigayee cilmina geska
Udhigayee aboowe
Kaa gudoomay aniguye
Aboowe geedkeena
Caashaqayee aboowe
Mirihiisa man guranee
Aboowe x2
Gidigood haween koo
Idil adaan kaa gaclodo
Gooni kuu ahaadee x2
Mar hadaynu galabtaba
Goobayne sheekada
Caawa aan gam aayaye
X2
Gu'waliba caano iyo wiil
Guulahaan ka barinaye
Sidaa garo gacalada x2
Guurkeenu waa sharaf
Guuurkaagu waa sharaf
Guri barwaaqiyo gabaad
Guulaheen hanagu simo
X2