VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Boowe - Lyrics

Anoo baahidaadiyo Boholyawga caashaqa Daraadaan u gooyoon Basanbaasay awgaa 2x Adaa iga baydhayoo Dhalanteedka beentaa Igu boorinaayoo Hadii balad laguu lulay Adaa iga baydhayoo Dhalanteedka beentaa Igu boorinaayoo Hadii balad laguu lulay Buugii sirtaadiyo Beentaadii waan helee boowe Baryaan baryaan ku jeclaayoo Kaa baxay adna beedhso meel kale Boowe haysu kay lurin Ka bogsooday jacaylkee jacaylkee 2x Anoo balankii aan furin Baadkiina iga go'ay Bogan waayo jiifkii Runtii ii baneeyee 2x Ka baabay balantaan lahayn Baylahshoo bi'yay caashaqii Badweyn adigaa jibaaxee Waxa aad shalay baafisayee Ka baabay balantaan lahayn Baylahshoo bi'yay caashaqii Badweyn adigaa jibaaxee Waxa aad shalay baafisayee Haduu maanta kula ba'naadey Waa maxay baroortuye boowe Baryaan baryaan ku jeclaayoo Kaa baxay adna beedhso meel kale Boowe haysu kay lurin Ka bogsooday jacaylkee jacaylkee 2x
Queue is empty
-- / --