Dareen jacaylbaa Qalbigayga dubaaxiyoo
Waa mid iiga daran dabaylihiyo
Duufaanada wax qaadiyo

Sida dalag la awroo
Dal dheer la iiga hayaamiya
Dhaaxaan ku daydayay
Kugu daalay aniguyee

Qalbi soo dabac oo soo dagoo
Dunida kale ha iga dhiganee
Kaalayoo igula dakee

Dabar igu xidhnaayoo dhaafin dayrkee
Waa mid iiga daran igu daahayo
Dartaa i daashadayee

Exit mobile version