Aduunka intaan ku noolahay
Waxaanan iloobin waa adi
Macaan istareex ku noolow

Awooda ilaahahba iska lahoo
Aloow yaad aroos u noqatayo
Ilmada dhasha ila taleeyee

Geeluba hadii aarankiisa iyo
Ilmihii yar yari aydan
Kala ganaan waa uga miyi laa

Waxbaan arkoon afka
Kaga hadlayn
Oo aan adi ahayn
Maba imaan dhibtii
Waad ii ogashahay

Sida ay rada geeloo
Hala hula
Ilmihii laga reeban
Hala hula
Eray dhaban loo kaxeeyaa
Hala hula
Hadba kuu ololayaayoo aboow
Kuu ilmaynahayaaye halalee

Sida awrka weynoo
Aari boowe
Aaran gooba dhex joogoo
Aari boowe
Afartii ka da,aysaa
Aari boowe
Adba kuu ololayaayee abaayo
Kuu ilmaynahayaayee halalee

Dhaguhu waxay naawilaayaan
Amaantaadaba iga weyn
Aa kuu yar hantiyay jacaylkoo

U jeedadiyo waxaan rabo
Sidaad oori iigu noqon layd
Ama aan aqal kuugu dhigi laa

Dusho iyo hees
Inaan aroor aadna,oo
Aoor aadna,oo is aroosnaba
Arinkeenu yahay

Aadambaa arwaa abti laga dhigoo
Abti laga dhigoo idil laga astumo
Caawana afee

Sida ay rada geeloo
Hala hula
Ilmihii laga reeban
Hala hula
Eray dhaban loo kaxeeyaa
Hala hula
Hadba kuu ololayaayoo aboow
Kuu ilmaynahayaaye halalee

Sida awrka hor weynoo
Aari boowe
Aaran gooba dhex joogoo
Aari boowe
Afartii ka da,aysaa
Aari boowe
Adba kuu ololayaayee abaayo
Kuu ilmaynahayaayee halalee

Exit mobile version