Ma ogtahay cabdiyow
Dhalintu gayaankay
Ma dhugtoo aniguyee
Aduunbaan ku dhawraa

Ruuxaan ku dhaafsado
Ama kula dhigo quruxdaada
Dhabta hooyo may saarin
Dhaayahga kuma arag

Kaalay kaalay kaalay
Dhuuxiyo qalbiyow kaalay
Kaalay kaalay
Ila dhadhami jacaylka kaalay
Kaalay kaalay
Aan wada dhisnee kaalay
Kaalay amoore kaalay

Ma ogtahay lakiyeey
Dhabi baxay la moodaay
Dhudhunkiyo laxaadkiyo
Xubnahaaga kala dhigan

Timahaaga dheeree
Dhabarkaaga joogaan
Markaan sidaa u dheehdaba
Dhamaan wada jidhidhicooda

Kaalay kaalay kaalay
Dhex yareey huuno kaalay
Kaalay kaalay
Dhunkashada macaan kaalay
Kaalay kaalay
Aan wada dhisnee kaalay
Kaalay baby kaalay

Ma ogtahay cabdiyow
Halbawlaha dhiigiyo
Dhinacaa wadnahayga
Aduunbaa dhex jiifee

Hadal ku dhaawaciyo
Dhiba kuuma quudhee
Hadhuub caano ah
kaalay aan wada dhanee

Exit mobile version