dhadhan malaha dhuuniguye
dhabtii hadii aan dhaayaha ku saarine
dhayal ha u malaynine
dhinaca wadnaha iyo
qalbigaad ku dhigantee

hadii aad u dhooftay
meel aan dhawayniyo
dhul shisheeye inanyahaw
dhaawacayga weeyee

dhawaaqaaga oo qudha
dhagahayga maqalkaa
dhawranayee ogsoonow
inaan kaa dhur sugayee

jacaylkii aan dhisaynee
dharaartaan dhidibada u aasnee
dhankayga uu ku dheeryee
dhalanteedka beentiyo
ha ka dhigan waxaan jirin

Exit mobile version