dhalaaleey walaaleey
dheeshaan joogniyo
dhaclihiyo farxada
mudaan dhawrayee

axmadow aboowoow
axdigaanu dhiganiyo
arooska aan tumaynana
adaa oofinaayee

dhaaleey abaayooy
dhexdaaadoon qabsadiyo
dhabankaagoon dhunkada
dharag way iigu filantee

axmadow aboowoow
awlaad baariyaaloo
adi kuu eegbaan
EEBE kaaga tuugaa

dhalaaleey macaaneey
dhuuxii naftaydaay
waan ku dhawrayaayoo
dhulka kuuma quudhee
bal dhankaaga iga eeg

axmadow aboowoow
arinkaad tidhaahdaba
waan adeecayaayoo
hadaan oofinaaayaa

waan dhamaynay hadalkii
dheesha iyo sacabkee
ducadaa inaga dhiman

Exit mobile version