Heesta Dugsiiye - Lyrics
Dugsiyow dugsiyow
daawadii naftaydow
X2
Mid kaan ragaba
Dhamaan dadiisa
Kasoo xushoow
Dookhaygiyow
Wadnahaad dagtoo
Deegaan kuu noqdee
X2
Adaan sida diiradii
Qalbiga kaa daawad-
Aayoo halkay darin
Taadu taalo ayaan
Dacal kaga hurdaa
X2
Muyaadan canjal
Duuban iyo waraaqa
Ba soo direen ma
Boostaa dib udhigtoo
Fariimahii daahisoo
Danteenaba aan
Lasocon dugsiyow
Waa sidee x2
Dabaylaha samada
Iyo duufaanta ma
Sookoraa ma adigaa
Deg deg iigu iman
Diyaaradii damal
Dulbixi dayoobaye
Midna dalanbabiya
X2
Da'daan labar baaray
Iyo wehelkaan dugsan-
Aayayow duntaad igu
Xirtay mar hore dug
Siiyow kaama furin
X2
Waxaan ku dawobaya
Inaaan dugsiyow ku
Helo laabtaadana aan
Barkado x2
Waxan ku dawobaya
Inaan biyo kulule tago
Halkii daawashada
Wacnayd xeebtii u
Dabaal tagaa x2
Waxan ku dawobaya
Inaan bandar qaasim
Iyo cawaysimo daanta
Bari x2
Inay shimburuhu
Dixdiyo digriga isla
Jiibiyaan ubaxa loo-
Doonan jiray dareen
Noo soo dulmaraan
X2
Waxan ku dawobaya
Inaan dooxadii shishiyo
Nugaal soo daalacdaa
X2
Waxan ku dawobaya
Deegaankii galkacyiyo
Iimay soo daawadaa
X2
Dulucda hadalkiyo
Ujeedada intaan
Noolahay dunida
Dushaan kugu
Qaadayaa jaceel
Kaan u daacad ahay
X2