Heesta Godob - Lyrics
qudhayda jacaylka dagay
ayay igarba duubayo
dugtiyo nabarada qarsoon
ayaa la dayacmayaa
idaa u dayaysanahee
jacaylkaa goshaydiyo
laabtayda galiyo
anigoon goweyni
naftaydii u buxdaye
ganiya lacagadiyo
guunyo kuguma gelin
waxase garanayaa
garashadii liicdiyo
godobtaan tirsanaya
geelana qarbaa
guudkiisa laaco
erayda gasiintee
raga dooglaa tahay
gayiga ku noolahay
adaan kaa gacloode
xumaan kaama gelin
hana ma gabax wadhin
waxaan galo en gudo
hadii anad garanayn
ka guuran ku leyahay
hadaan sii gudboo
xaajada gorfeeyana
nafsi waa ma guuran
goobtaad istaagtana
kaa daba gadomoo
gaadma kugu maqanoo
gocoshada la oydaa
inkastoo gibilkii
quruxdiisu gasirin
oon gabadh yarna ahay
calafna hibeeya yahay
waxan la iga guban golay
gaajiyo dhib maan arag
gacal iyo xigaalbaa
garbahayga jooge
samir inan gudoonsado
hiigsado calooshay
way ila gudboontahay