Heesta Kuma rabi - Lyrics
rabibaa iska leh mahad
roob haatan ii daay
waan ka raystay buuq
raaxadii aduun helay
sidii roon ma garaneyn
heeryadaad i saartaad
la rafaadsanaan jiray
riday maanta ciilkii
rayrayntu waa farax
waxba ha igu soo rogan
kuma rabi ku rajuuci maaye
kuma rabi ma riyaad ku nooshahaye
riximkay i jecelbaa
raaligalin i siiyayoo
raadkayga ii dhaaf
riixantii caashaqaa
u rakaadanaaya
risiqaygii waan helay
naftu raadinasa