Ma degana aduunyadu
Waa sida dabaysha
Hadba dacal u socotee

Daraad waxay ahaydbaa
Maanta maanta
Maanta maanta
Laguma diirsanayee

Mar hadii aanu da,daa nahay
Waxay jacaylkii noqdo
Dareenkaygu siduu qabo
Kama galin dakada dheer
Kama galin

Hadee baantuu igu maqan
Dakharkuna i gaadhyee
Aloow aloow aloow aloow
Aloow iga dawee
Iga joojisii raboow

Hilaalyada kalgaclkiyo
Maduu raaban caashaqa
Sidoodii kama shuban

Ma dulmiyin jacayloow
Aan daandaanso daandaanso
Daanso maan odhanee

Sawkaa dab iyo holac
I waraabshay idaa
Sawkaa dabin i galiyee
Ufadiyo daruuruhu
Saw xoorta ima dhigin

Hadee baantuu igu maqan
Dakharkuna i gaadhyee
Aloow aloow aloow aloow
Aloow iga dawee
Iga joojisii raboow

Exit mobile version