Aduunyada waa giraan
Marbay dawo kuu tahoo
Wadadu kuu toolantahay
Marbay dacar iyo qaraar
Wabay kugu shubtaa
Dushana kaaga daadisaa
Umadda Soomaaliyeed
Miyeedaan diirnaxeen
Miyaadaan Gigaxeen
Oo miyaadan Diin lahayn
Umadda shacabka ee lawaray
Hooyada maydkaba sidiyo
??
Cadaawuhu duudka dhigay
Midnimo calankii mudnaa
Haddii oo ceel ku dhahay
daalimaha hoos ka maray
Xagee dawo ugu dayaaa
Aduunyada waa Wilwilad
Dufaan kugu soo dagaiyo
Cawaaqi dushaada yimid
Daryeel baan doonaynaa
Qurbuhu woo na daashadayio
Galada eebaan sugnaa
Oheey ciidaydiyee
Oheey cadaawaa ku helay
Midaan kuu diirnaxeen (Qabyaalada)
?? Halkuuu ka yimid
Bartaartii dadlkaygiiyoo
Habalihii dunida bilnaa
Aygana murugaa dishoo
Hurada uma soo dagoo
Midnimo calankii mudnaa
Haddii oo ceel ku dhahay
daalimaha hoos ka maray
Xagee dawo ugu dayaaa