Aduunyadu waa giraan
Marbay dawo kuu tahoo
Wadadu kuu tolan tahay

Marbay dacar iyo qadhaadh
Waabayada kugu shubtaa
Dushana dushana ala
Dushana kaaga daadisaa

Umada soomaaliyeey
Waar miyaydaan diir naxayn
Miyaydaan dhigiigixayn
Miyaydaan diin lahayn

Umada shacabkee la wadhay
Hooyada maydkaba sidiyo
Aabaha taladiiba gabay
Cadaawuhu duudka dhigay

Midnimo calankii mudnaa
Hadii uu ceel ku dhacay
Daalumaha hoos ka maray
Xageen dawo uga dayaa

Aduunyadu waa wilwilad
Duufaan kugu soo dagiyo
Cawaaqib dushaada yimid

Daryeelbaan doonaynaa
Burbur uu na daashaday
Galada galada ala
Galada eebaan sugnaa

Oheey ciidaydiyeey
Oheey cadaawa ku helay
Midaan kuu diir naxayn
Dilaalku halkuu ka yimid

Barbaartii dalkaygiyoow
Hablihii dunida u bilaa
Iyagana murugaa dishoo
Hurdadii uma soo dagtee

Midnimo calankii mudnaa
Hadii uu ceel ku dhacay
Daalumaha hoos ka maray
Xageen dawo uga dayaa

Xageen dawo uga dayaa dadyohoow
Xageen dawo uga dayaa soomaalay
Xageen dawo uga dayaa dadkaygoow

Exit mobile version