dhalaanka markaan ahaa
nacaashkaan kula dheeli jiray
jacaylkii iggu dhashaa
dhamoow ila soo barbaaroo
maantu kala dhunoo
dhabtiii wali muu dhamaan
adaa igu dheer runtii
hadmaad igu soo dhawaan
dhiigihiyo wadnuhu dhex jiifaa
dhuuxiyo lafuhuu dhexx jiidhoo
dhib baan aawadaa mutoo
dheeftiyo dhaydii ka go,ay

waxaan dhaho yaa arkay
dhabuhuu maray yaa yaqaan
dhulkuu tagay yaa i geeya
anoo daal meel dhacay
dhaguhu dhawaq bay maqlaan
markaan dheehdoon dhugtana
anaa iska dhaadhacshee
ileen cirku iima dhawa
dhiigihiyo wadnuhu dhex jiifaa
dhuuxiyo lafuhuu dhexx jiidhoo
dhib baan aawadaa mutoo
dheeftiyo dhaydii ka go,ay

Exit mobile version