Heesta Qaali - Lyrics
Qosolkaa macanaa
Cindigayga qaadee
Qacdii aan ku arkaa
Laabtay qabowdee
X2
Qaab kaa qurxoonaa
Qeerkaa ku dhaaftee
Qalbigay adigaa qayb
Wayn ku yeeshee
X2
Qoor dheer qumanay
Qaalidii naftaydaay
Qiimo wayn qaaliyay
Qurux loo dhameyaay
X2
Qosolkaa macanaa
Cindigayga qaadee
Qacdii aan ku arkaa
Laabtay qabowdee
X2
Qaab kaa qurxoonaa
Qeerkaa ku dhaaftee
Qalbigay adigaa qayb
Wayn ku yeeshee
X2
Muxibadan kuu qabaa
Waligeed qarsoominee
Xumaan kuuma quuree
Amaanta waad uqalan
Taa x2
Qaab kaa qurxoonaa
Qeerkaa ku dhaaftee
Qalbigay adigaa qayb
Wayn ku yeeshee
X2
Qosolkaa macanaa
Cindigayga qaadee
Qacdii aan ku arkaa
Laabtay qabowdee
X2
Qalad taa aqoonee
Qureeshtii hawenkaay
Qadarinta asluubtiyo
Qiimo loo dhameyaay
X2
Qosolkaa macanaa
Cindigayga qaadee
Qacdii aan ku arkaa
Laabtay qabowdee
X2
Qaab kaa qurxoonaa
Qeerkaa ku dhaaftee
Qalbigay adigaa qayb
Wayn ku yeeshee
X2
Qaaradaha aduunkaa
Kii aan ka qaatayee
Quud inaan wadaagna
Qaadirkay taguugeee
X2
Qaab kaa qurxoonaa
Qeerkaa ku dhaaftee
Qalbigay adigaa qayb
Wayn ku yeeshee
X2
Qosolkaa macanaa
Cindigayga qaadee
Qacdii aan ku arkaa
Laabtay qabowdee
X2