Quduriyoo la yaabee
Waxaan kaaga weynee
Waa quursi joogta ah

La qadarin haweenkoo
Qab aan wax tarayn
Qaban haboonayn
Qeybtay lahaayeen
Ha iska qaatee noqoto
Raga uunka qariyeen
Qeybtay lahaayeen

Ma wax dumar ku qaataa
Ma qabtaa haweenkaa
Dumar ku qaadan karaa
Qaruumaha aduunyadu
Qoombaan ka nahay jira
Oo waliba qaaliya
Quursiga kula neceb

Ee maxaa naloo qarin
Loo xaqiray xaqeenii
Goowiyoo labaatan sano
Burburkii na kala qubay
Qoys qoys dadkiinaa

Qoraxda aan u taagnayn
Inaan dhabar ku qaadna oo
Qalanqaliintu waa maxay
Dawladihii qotominayeen

Qeybtii haweenkee
Qabawga sugaynaa
Kol ay tahay qaraar
Mudo nagama siinine
Bal maxaan ku qadnay
Raga low is weydii
Is weydii jawaab
Aan ku qanacnoo
Qiimo leh qiimo leh
Na siiya

Exit mobile version