Heesta Rucleyn - Lyrics
Rafaadka jacaylka iyo
Ragu tay nagu hayaan
Markaan rogrogeen fiirsaday
Ra,yigayga la kaashaday
Naftu waxaan kaa raariday
2×
Qeyrkaa dhinac ka raaco
Danahaaga raadsoo
Qalbigiyo ka reeb beerka
2×
Hadana kama raysta oo
Anoo raad goobayoo
U rucleynayaan arkaa
U rucleynayaan arkaa
2×
Rajana waxay i tidhaa
Ibaraa xal loo maraa
Rajana waxay i tidhaa
Ibaraa xal loo maraa
Intaan ka roori lahaayd
Naftaada halkii u roon
Inaad reer dhistaa haboon
Inaad reer dhistaa ka mudan
2×
Hadii riyo beena iyo
Ribo lagu nool yahoo
Shalay rabadii is rabay
Bariba kala roorayaan
Ruux la aaminaa jirin
2×
Kalagacayl rays engagay iyo
Noqay raad abeenso
Raran iyo anaa dhib nacay
2×
Hadana kama raaga oo
Rugtii lagu hadal hayaan
Dhagtayda u raaracshaa
Dhagtayda u raaracshaa
2×
Rajana waxay i tidhaa
Ibaraa xal loo maraa
Rajana waxay i tidhaa
Ibaraa xal loo maraa
Intaan ka roori lahaayd
Naftaada halkii u roon
Inaad reer dhistaa haboon
Inaad reer dhistaa ka mudan
2×