Dalkani wuu yaaban yahay
Dalkani wuu yaaban yahay
Dantiisu u ciilan yahay
Dadna uu is moodayaa
Dadna uu is moodayaa
Dareen se runtii u dhaw
Duuduubaa garsoor la duugay
Dabaa la shidoo la ooday
Deyruu qarankii ku tagaye
Deyruu qarankii ku tagaye

Soomaali dareen ku liid
Diinbay ku ugaarsataa
Dilbay dhiigyo cab ku tahay
Dadkeeday gumaadaysaa

Dawyada maataa dul taal
Dan kama laha duul rogmaday
Qaxootay u duday dhamaan
Shisheeyay dukeeshataa
Qaxootay u duday dhamaan
Shisheeyay dareensataa

Waxaan diintuba qorayn
Duransay ku foogan tahay
Dacarbay malabaysataa
Doorbey beer moodasaa

Duulaanbay qarankeed ku tahee
Qabiilbay dugashataa
Intii doqonaa u hogaansan
Dirac se waa uu garanayaa

Damane wuxuu maagan yahay
Dabaayuu hiiliyaa
Deymada eebaa ku maqan
Deymada eebaa ku maqan
Diwaanaa waxbaa ugu qoran

Dalkani wuu yaaban yahay
Dalkani wuu yaaban yahay
Dantiisu u ciilan yahay
Dadna uu is moodayaa
Dadna uu is moodayaa
Dareen se runtii u dhaw

Dalkani wuu yaaban yahay
Dalkani wuu yaaban yahay
Dalkani wuu yaaban yahay
Dalkani wuu yaaban yahay

Exit mobile version