Anigoo biidhaysanayn
Bidhiidh taladaydu noqon
Dhawaabadka la igu tirin
Waayuhu ii fiican yahayee

Wacadkii dhexdeeniyo
Wanaagii noo yiil
Wadaaga nolosha lahaa
Miyaa lagu wiirsadaa
Miyaa lagu wiirsadaayee

Warmaha la isugu dhuftoo
Na kala wiiq labadii labadii
Labadii is doortee

Wadnayaal is jeclaaday
Wakhtigii kala geeyoo
Wadnayaal is jeclaaday
Wakhtigii kala geeyoo
Waqalka yaabee
War miyuu ku deeqaa
War miyuu ku deeqaa

Waxgarad iyo waayo arag
Wadiiqaday kuu furaan
Wid iyo guulbaad ku tahay
Walwaalbaad cabtaayee

Wahan iyo dhibaatiyo
Warweer miyuu galay
U wan qalay jacaylkeenii
Ma waxyaa ku soo degay
Ma waxyaa ku soo degay

Wacnaanshahaan
Bugan dagi lahaa
Ka danawyee
Maran maran
Maran miyaa

Wadnayaal is jeclaaday
Wakhtigii kala geeyoo
Wadnayaal is jeclaaday
Wakhtigii kala geeyoo
Waqalka yaabee
War miyuu ku deeqaa
War miyuu ku deeqaa

Exit mobile version