Xabiib kaygaa tahayo
Xaragadaada hilmaami
Karin x2

Markaan soo xasustaba
Xiisaheenii horeeyay
X2

Xaadayda waa istagtaa
Xubi ii ogsoonow x2

Kuma xumaynine ha
Ii xanaaqine laabtaan
Kugu hayaa wali x2

Xididadayda wadnaha
Iyo halbowlaha ku xiran
Tahayee xubnahaygu idil
Kood farxadadan laxam
Diyaa xabibi xayati adna
Xeeri caashaqaa x2

Xulashadii naftoydow
Xiisahaaga kacaankiyo
X2

Dookhaan kugu xiriiraa
Xuma iga ilaalshee x2

Bal ogow xagaagana
Xaasid yuna kala dilin
X2

Kuma xumayn karee ha
Ii xanaaqine qalbigaan
Kugu hayaa wali x2

Iyo halbowlaha ku xiran
Tahayee xubnahaygu idil
Kood farxadadan laxam
Diyaa xabibi xayati adna
Xeeri caashaqaa x2

Exit mobile version