Heesta Yilyilada. - Lyrics
Yilyilad yilyilad
Caashaqbaa igu weyn
Wey anigee
Yawyawda yawyawda
Dugandhiyoo
Daba lilan liftoodaa
2×
Kaaga yeerayaa adigee
Kaa yerayaayee
Kaaga yeerayaa adigee
Kaa yerayaayee
Yagleel iyo waxaad
Yuuraraa banaan
Yuuraraa banaan
Ya ergadoo hobaaloo
Mii kaa yaboosadaa
Mii kaa yaboosadaa
Yam yam inaan iraa
Naftu iidi waydoo
Yuus yuus iyo waxaa
Igu wacan xanuunee
2×
Naf jacayl la yeeshoo
Yaaban baan ahay ani
Naf jacayl la yeeshoo
Yaaban baan ahay ani
Yaraar malee nafsigu
Yuuraynta iga daa
Bal yuuraynta iga daa
Ya ergadoo hobaaloo
Mii kaa yaboosadaa
Mii kaa yaboosadaa