Dheeman bay ii tahay dhaldhalaal-keeda kaliya
igala nuurka badan Quraxdoo iftiinto
Socodkeeda dhankaan ka dheehdo
Ku sabri karaa kumanaan habbeen
Dhirirkayda isku dheela tiran markaan dhanka bidix ka eego
sida ruux komma ku jiro hadalkoo dhan iga suulaa
Haddii aan is dhahi lahaa Hami jacayl halkaan ku dhaaf
Waxaan ubaahnaanaayaa Dhakaatiir iyo wadaaddada aduunkoo
Hal meel isku yimaada Si dhamaan jirkayga idil
Ugu dhameeyaan sunta caashaqa
Ama dhuunta in la'iga jaroo nafta la'iga gooyo
Dhaqdhaqaa dhiigiyo halka ay ku kala dhaxmaaxaan
Xinjiradu isu dhaafaan waliga malgaa dhaawacay
Adigoo jacaylba u dhugla ruuxaad ku dhagtayee
ku dhadhamiyay waxuu yahay miyuu wadnahu kaa dharbaaxay
Waligaa dhawaqa wadnaha intaad maqashayee
Dhagahaaga ma ugu dareentay sida dhawaqa gurbaanka
Heese ma ugu sameesay
Dheef waa la helaa dhibna waa laga reestaa
Dhibane jacayl xun intuu dhaxda ku gashay
Dhulka ma kula dhacay
Dhag adagaa ruuxani allow maxaa idaba dhigay
miyaan dhaawaca ibalbalaaya ku tusaalo qaadan kareen
oo aan ku dhameen kareen halkiis