hir doogle anoo dhex jooga
hoobaan kaligay guraaya
ag jooga harooyin buuxa
hamiga kaba jaray haweenka

ma haybsho midaanan hayn
hasaawe iyo hadal bilaaba
ku habay hawraar jacayl
hab siiyay anoo is moog

hadaad ii aan arkooday
hadal aan jirinbay ahayd
hadaan horay kuu jeclaaday
anigu kaa hadhay hadeer

anoo kaligaa haween
hablaba adiguun ku jecel
naftaada inaan hantiyo
u heelan hadiyo goor

adaa hanqal taagayoo
hab siiyay ruuxaan hadeer
isagu kuu heelanayn
naftaydu kuumay halayn

Exit mobile version