Nimciyo wanaag
Iyo nuur jacayl
Nal ii iftiimaay
Neecaw janadiyo
Qurux noocyo badan iyo
Nabaad soo baxaaye
Niyadiyo adaa
Nabdigiyo wadnaha
Ka dhex nuurayee
Aan lamaano noqonoo
Nolol aan wadaagnee
Ila nuuri caashaqa
Naftaa kuu nugloo
Niyadii ku raacdee
Marna ha iga naaqusin
Nacabkii inoo daran
Iyo nabiibiyahaba
Naxligiisho nama karo

Exit mobile version