Heesta Alif layl wa layl - Lyrics
Alif layl wa layl iyo
Laba malyuuna iyo toban
Sow jacaylku laaciyo
Ubax iima lulayoo
2x
Laxawsiga kalgacalkiyo
Lahashada naftayduna
Waa waxa i lumiyee
2x
Kay laabtu raacdow
Liqi waayay aantoo
Ladi waayay jiifkee
2x
Imikan lurkiisii
Lalabaha habeenkii
Leexadu i sidataye
Haygu laadin wacadkee
2x
Waxan ahay laxiimiyo
Lur jacayl ku laasimay
Laabta iyo beerkuu
Leeb igaga taagee
2x
Ilaa laba jirkaygii
Laabtaydu ku ladhanyoo
Waanu igu lamaanyee
2x
Mana laama doodoo
Aniguba lur mooyee
Liibaana kama helo
2x
Imikan lurkiisii
Lalabaha habeenkii
Leexadu i sidataye
Ha igu laadin wacadkee
2x