VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dookh iyo dareen - Lyrics

Soo dilaaca waaberi Cirkoo daaha faytoo Dhurkuna is daalacay Mayay yari da'aayoo Onkod hiririg leeyiyo Sagalkiyo daruuruhu Ku darsami hilaacoo Quruxdaa la daawado Deeqaw iiga dhigantee Sidii buu darenkiyo Jidhku ii dubaaxshaa Damiirkaad ku ladhantoo Kuma dayn karaayee Daadihi jacaylkoo Yuu dumin hankiisuye Dadab aan wadaagnee Dacalkaaga ka adkaw Sida dhool guyoo da'ay Daruurihi hargaysiyo Mar ay dooxii waaheen Doogii cagaaryoo Ooy culimo duub ihi Digrigiyo quraankii Dadka ay baraayaan Ducada la beegsado Dawsaay iiga dhigantee Sidii buu dookhiyo Damac ii hogaanshaa Hintigaad ku ladhantoo Kuma dayn karaayee Daadihi jacaylkoo yuu dumin hankiisuye Dadab aan wadaagnee Dacalkaaga ka adkaw
Queue is empty
-- / --