Lamaanaha is jecelee
Laaasimay kalgacalkee
Suloogay caashaqa
Intee luma intee ladan
Inteebuu la helay laad
Ama laydha seegoo
Aakhiro ukoray laan
Lama tirin karaayee
Hadii uu ku luray iyo
Hadii uu ku lulayaba
Lahelyoo lawaayaba
Waa aduun liskiisoo
Calaf lagama baaqsado
Aniguna lahashada
Midkaan laabta ku hayaa
Waluul qarsooniyo
Dheemaniyo lacagee
Anoon daahir loof arag miyaan ladi karaayaa
Lamaanaha is doortee
Kal laxiibayeeshee
Isujecel kaliyo laab
Imisaa lugo'ayoo
lahwiyo dhibaatiyo
Leeleel ku suganoo
Xarko lagu hogaanshaa
Ama lahanka caashaqu
Inta uu kulaba kacay
Laba aan lakala xigin
Intuu liiday waayuhu
Midba meel ku looloo
Aduunyada kukala lumay
Aniguna lahashada
Midaan laabta ku hayaa
Waa luul qarsooniyo
Dheemaniyo lacagee
Layla aniga oon arag
Miyaan ladi karaayaa

Exit mobile version