VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Samir ka yeelo - Lyrics

Naftaydaay samir ka yeelo Waxaad sugaysoo la waayay Marnaba adigoon saluugin Wuxuu rabigay saxeexay Kurbiyo salfudayd ka baaqso Bariyo saadaasha fiican Nasiibkaa seegi mayside Sidaad rabto way ahaane Samaantiyo talada qaado Sahwiga ruux kaa daweeya Qalbiga saxariir ka dhawra Kalsoonida kuu siyaadsha Ayaa rabigay ku siine Intaad sugto waayo guusha Sadkaa dhawroo ha quusan Naftaydaay sarta quudo Hurdada seexoo hadiidin Dadkana adigoon kasoocmin Cidlada saaxiib ka yeelo Midkuu sadrigaagu raacay Adoo awgii silcaaya Hadaanu ku saacidaynin Su'aalo badbaado eebe Ilaah sacabada uhoorso
Queue is empty
-- / --