jacayl taaba galoo tayo iyo awood laan kuu tusmaynayaa
waa mid taariikh wacan loo sharaf wayn ku tolanoo
tashi wanaaga weeyaan
talaab wacan toosan weeyaan yubtii nolosheena weeyaan
waa meel nimcadeena taaloo nabad iyo tigaadle weeyaan
aynu wada tiigsane u toosoo toolmoonow qalbiga ku tabaye
adna ii tudhuu caashaqa ila tukubi wiilyohow
cishqi igu talaalmoo laabtay ku taxanbaan kuu tirinayaa
adna taakulayn iyo tix galin iyo wanaagbaan toolmoon
kaa sugayaa
halyaygaan tiirsanaayoo ii kaalay aan tashanee adaan
kugu taamayaaye talada aan wada lahaane
tixdayda maqaloo i taageer wadnahaad ku taalaa
sami iigu tali caashaqa ila tukubi

Exit mobile version