onkod roobku ma daayo
aarna taaha ma daayo
ana taa ma ilaawo
jacayl ood guran maayo
oon hilaac bi'in maayo
ayro weerar ma daayo
nin lihi aamusi maayo
ergo geesi ma diido
hadii aanu iblaysku
iga kaa anbinaynin
inaad ii tudhi waydo
eego maayo kolaye
arin kuuma hanbayne
araaxdii ha ku deeqdo
oo sinahayga adkaysan
nabsi ha iga amaahan
axdigii ina dhex yiiliyo
ha ilaawin aqoontee
sida oogta hilaaca
ilayskeeda cadceeda
amaantaada libaaxa
mala waanad ogayne
ayaan nuurkiyo maanak
wadnahayga agtiisa
sida aayad ku taala
uumiyaha u tusaaye
hadii aamin idhaahdo
waa aqoonta haweene
oo rag iiga danbeeyo
afka ay ka cawayso
uur ku taalada maada
arimidiisa jacaylka
anigu sow dhaxli maayo
nafsi ha iga amaahan
axdigii na dhexyiiliyo
ha iloobin aqoontee

Exit mobile version