VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Quraxdiyo ilwaadka - Lyrics

Sida qamar dhalaalaaya Quruxdiyo ilwaadkaagu Xidigaha ka qaday nuurka Xidigaha ka qaday nuurka 2x Sida qoraxda kaaha Qotonkiyo jamaalkaagu Shocaaci ka qari uunka Uunka uunka uunkaa 2z Sida qul iyo deemaalka Waa quruxda muuqaaga Indhihii qabtaa jeerna Ruux kale u qiiroonin oo oo Ruux kale u qiiroonin 2x Sida sagal qayoonaaya Qaabkiyo hibaalkaagu Saxansaxo ku qeyd koonka Saxansaxo ku qeyd koonka 2x Sida quruxsaneey maanle Qofnimiyo asluubtaadu Qiiro galisay ruuxaanta Qiiraan galisay ruuxaanta 2x Sida qul iyo deemaalka Waa quruxda muuqaaga Indhihii qabtaa jeerna Ruux kale u qiiroonin oo oo Ruux kale u qiiroonin 2x
Queue is empty
-- / --