Sida qamar dhalaalaaya
Quruxdiyo ilwaadkaagu
Xidigaha ka qaday nuurka
Xidigaha ka qaday nuurka
2x

Sida qoraxda kaaha
Qotonkiyo jamaalkaagu
Shocaaci ka qari uunka
Uunka uunka uunkaa
2z

Sida qul iyo deemaalka
Waa quruxda muuqaaga
Indhihii qabtaa jeerna
Ruux kale u qiiroonin oo oo
Ruux kale u qiiroonin
2x

Sida sagal qayoonaaya
Qaabkiyo hibaalkaagu
Saxansaxo ku qeyd koonka
Saxansaxo ku qeyd koonka
2x

Sida quruxsaneey maanle
Qofnimiyo asluubtaadu
Qiiro galisay ruuxaanta
Qiiraan galisay ruuxaanta
2x

Sida qul iyo deemaalka
Waa quruxda muuqaaga
Indhihii qabtaa jeerna
Ruux kale u qiiroonin oo oo
Ruux kale u qiiroonin
2x

Exit mobile version